Amar kasoo baxay Taliska Booliska Magaalada Beledweyne {AKHRISO}

Taliska Ciidamada Booliska dowlad Goboleedka  Hir-Shabeelle ayaa  soo saaray Amaro ku socda Gaadiidka kala duwan ee gala iyo kuwa ka baxa Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Qoraal kasoo baxay Taliyaha Saldhiga Booliska Beledweyne laba Xidigle Maxamed Maxamuud Rooble ( Qoorsheel) oo la ogeysiiyay Warbaahinta & taliyaha qeybta Booliska Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Amar culus lagu soo rogay Gaadiidka galka Magaalada Beledweyne iyo kuwa ka baxa.

Amarada kasoo baxay taliska Booliska Magaalada Beledweyne oo ka kooban Saddex qodob ayaa la amray inay dhaqan geliyaan Bulshada Beledweyne iyo Gaadiidleyda, kuwaas oo kala ah.

1: Dhamaan Gaadiidka Qaada Xamuulka Waxaa La amrayaa in aysan Soo Gali Karin Magaalada ka Hor 4:0OPM Ama 10:00 hadba sidaad u garataan.

2: In aan Wax Gaadiid ah la hor dhigi karin Ama Baakin loo Ogoleeyn Isbitaalka Weeyn hortiisa iyo sidoo kale Inta u dhaxeeysa Bacadlaha Ragga ilaa siliga laga galo Xarunta Lamagalaay.

3: Lama ogola Gaadiid ay ku dhaganyihiin Miraayadaha Madoow ee Beensalka loo yaqaano ee aan haysan Warqadda Ogolaanshaha Sharciga.

Sidaas Daraadeed Cidii u Hogaasami weeysa Amaradan Waxaa laga qaadi doonaa talaabo Sharciga Waafaqsan.

Amarkan kasoo baxay Taliska Booliska Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli malmo kooban ay ka harsan tahay Bisha Barakeeysan ee Ramadaan, isla markaana laamaha Amniga ay sheegeen inay muujinayaan feejignaan dhinaca amniga ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com