Alshabaab oo xoolo laga soo Furtay

Howlgal qorsheysan oo ciidamada Dawlada ay ka sameeyeen tuulada Muuse-geel iyo kuwa kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan, ayaa ujeedkiisu ahaa sidii -shabaab looga sifeyn lahaa Waddooyinka sidaas waxaa sheegay saraakiil ka Tirsan Ciidanka dawlada

Ciidanka Dawlada ayaa Hawgal ka sameeyay inta u  dhaxeeya deegaanada Moqokori iyo Maxaas oo maleeshiyada Alshabaab ay si dhuumaaleysi ah ku soo galaan mararka qaar, ayna dadka shacabka kaga qaataan Xoolo baad ah.

Saraakiisha Ciidamada dawlada ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka carareen illaa 400(Afar boqol) neef oo Ari ah oo ay dadka Shacabka Zakawaad uga qaadeen iyadoo ciidamadu ay weerareen goob ay ku aruurinayeen Xoolahaasi, waxaana la qorheynayaa in Xoolahaasi Dadkii lahaa ay ciidamadu dib ugu celiyeen.

Ciidamada Dawlada  ee gobolka Hiiraan ayaa howlgallo lagu sugayay amniga ka sameeya tuulooyinka u dhaxeeya degmada Maxaas iyo deegaanka Muqokori, si ay sugaan ammaan Deegaanadaasi.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com