Alshabaab oo Xanibay Gaadiid Xamuul oo ku sii jeeday Magaalada Jowhar

Alshabaab ayaa lagu soo waramayaa in  diideen in Magaald Jowhr ay galaan Gaadiidka Ganacsatada .

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xaruunta Dawlad Goboleedka Hirshabeele ayaa sheegaya in Gaadiid ganacsato u raran Alshabaab ay diideen in ay galaan magaalada jowhar waxaana ganacsatadu ay sheegeen in Gaadiidkooda uu ku xayiran yahay degaano ka Tirsan gobolka shabeelaha Dhexe.

Alshabaab ayaa gadiidka ku soo rogay Lacago aan ahayn kuwii hore ganacsatada looga qaadi jiray .

Ganacsatada badeecadaha Gaadiidka saaran leh ee u raran Magaalada Jowhar ayaa sheegay in lacag xaddhaaf ah Alshabaab ay ku soo rogeen ganacsigooda  waxaana shabaab ay ku amreen in gaadiidka barta ay joogaan lagu damiyo oo aanay u dhaqaaqi Karin Magaalada jowhar.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com