Faah Faahino ayaa ka soo baxaya Weerar ay Alshabaab ku qaadeen kolonyo Gaadiid ah oo uu la socday Gudoomiyaha Degmada Luuq oo gobolka Gedo.
Weerarka ayaa ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Luuq iyo Dooloow ee gobolka Gedo
Alshabaab ayaa sheegatay Mas,uuliyada Weerarkasi waxana ay sheegeen laba baabuur oo la socotay Gudoomiyaha degmada Luuq ay xoog uga qaateen ciidankii la socday
Dhinaca kale Afhayheen u hadlay Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in Ciidanka Gudoomiyaha la weeraray ay isdifaaceen sidoo kalena ay Alshabaab ka dileen ku dhawaad 7 xubnood Sidoo kalena nolosha ay ku qabteen 4 dagaal yahan oo ka mid ah kuwii weeraray Kolonyada Gaadiidka oo la socotay Gudoomiyaha Cusub ee dhawaan loo magacaabay Degmad Luuq ee gobolka Gedo.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com