Alshabaab oo weeraray Degaano ka Tirsan Degmada Wanlaweyn kuna dilay Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka degmadaasi

Wararka ka imaanaya  gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Alshabaab ay ku weerar ku qaadeen degaano hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelaha Hoose

Weerarka ayaa ka dhashay khasaare kala duwan Sida ay warbaahinta Aragticusub u xaqiijiyeen Dadka degaanka

Weerarka ayaa dhacay gelinkii dambe ee galabta iyadoo la sheegay in shabaabka markii degaanadasi ay soo weeraryeen ay wateen 3 gaari oo kuwa Homeyda loo yaqaano iyo Gaadiid kuwa  dagaalka ah Waxaana ay la wareegeen degaanada Tixsiile , Waraabaale iyo degaanka Maama Caliyoow oo dhamaantood hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelaha Hoose

Alshabaab ayaa lagu soo waramayaa in in ay qaateen rashiin bakhaaro ku jiray iyo sidoo kale daawo taalay MCHka degaanka Maama Caliyoow ee hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelaha Hoose ay Alshabaab ku dileen degaanka Maama Caliyoow

Illaa hadda lama oga khasaaraha kale ee ka dhashay weerarkaasi ee Alshabaab ay ka geysteen degaanadaasi hoostaga degmada Walanweyn ee gobolka shabeelaha Hoose.

Alshabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com