Alshabaab oo Weerar ku qaaday Saldhiga Ciidanka Dawlada Federaalka ee Degmada Baardheere

Al-shabaab, ayaa xalay weerar ku qaaday saldhiga Ciidamada Dowladda Federaalka ee degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, halkaas oo uu ka dhacay dagaal khasaare dhaliyay.

Shacabka Degmada Baardheere ayaa sheegay intii dagaalku socday ay maqlayeen dhawaaqa Rasaasta ay isdhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo Shabaabka weeraray saldhiga, inkastoo aanan la ogeyny khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray

Mas,uuliyiinta Dawlada Federaalka ee Degmada Baardheere , oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inCiidanka Dawlada Federaalka  ay iska difaaceen weerarka dhanka Shabaab kaga yimid isla markaana uu dhacay dagaal waqti kooban socday.

Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada  ay ku qaadayaan  Saldhigyo Ciidanka Dawlada Federaalka iyo Kuwa Amisom eek u yaala gobolada Dalka

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com