Alshabaab oo weerar ku qaaday Saldhig Ciidan

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in Xubno kat irsan Al-Shabaab ay waaberigii hore ee saaka weerar qarax ku bilowday ku qaadeen saldhig Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ku leeyihiin degaanka Daaru-nicmo oo hoostaga degmada Runil-good ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in werarka kadib uu dhacay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab, kaas oo weli ka socda degaanka.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka oo aan la xiriirnay ayaan noo suurto gelin si an wax uga weeydiino weerarka, balse waxaa la sheegay inay jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay weerarka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com