Alshabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay ciidanka Jubland ku lee yihiin degaanka Baarsanguuni

Al-shabaab ayaa weerar duqeymo la beegsaday Xero a ciidamada Maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baar-sanguuni.

Alshabaab ayaa sheegtay Dhowr madafac ay ku garaacen gudaha xirada barsanguuni , waxaana la arkayay khasaaraha soo gaaray ciidamada Jubbaland ayay ku sheegeen war ay bahiyeen idaacadaha ku hadla Afka Alshabab.

Sidoo kale waxa ay sheegeen Alshabaab weeraro isugu jira qaraxyo iyo Dhabba-gal ay la beegasadeen ciidamada Jubbaland oo marayay inta udhaxaysa Baar-sanguuni Iyo Buulo Gaduud oo dhaca duleedka Magaalada Kismaayo.

Alshabaab ayaa sheegay 12 Aakari ayaa lagu dilay weerardaan oo uu ku jiro taliye horin lagu magacaabo Xasan Aadan Moordi halka lagu dhaawacay 21 kale.

Laba gaari oo ay wateen ciidamada jubbaland ayaa sidoo kale lagu gubay weerarada baabuur oo ay wateen ciidanka Jubland

Alshabaab ayaa sidoo kale sheegay Baabuur Cabdi bile ah oo gurmad ahaan uga soo baxay magaalada Kismaayo oo ku socda xawaare sare uu rogmaday, waxaana ku dhintay laba askari halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo uu ku jiro taliyihii ciidanka watay oo lagu magacaabo Maxamed Buulow.

Alshabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay weerarada ay ka geysanayan degaanada koofurta iyo bartamah Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com