Alshabaab oo weerar ku qaaday Koofurta Gobolka Mudug

Inta la ogyahay 8  qof ayaa lagu soo waramayaa  in ay ku nafwaayeen weerar oo Al-shabaab xalay ka geysteen degaanka Jiiq dheere oo ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab waqti kooban ay la wareegeen gacan ku haynta  tuuladaas Jiiqdheere oo qiyaastii 20km u jirta Bacaadweyne balse markii dambe laga saaray.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka , Galmudug iyo dadka degaanka oo is kaashanaya ayaa dib ula wareegay Jiiqdheere kadib iska hor-imaad dhexmaray Ciidankaasi iyo Al-shabaab.

Xaaladda degaanka ayaa saaka degan waxaana haatan ku sugan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mamulka Galmudug.

Alshabaab ayaa la sheegayaa markii ay ka baxayeen degaanka in hoobiyal ay ku garacen Dehaank Bacaadweyne  balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkasi hoobiyaasha ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com