Alshabaab oo uga digtay Dadka Shacabka ah Isticmaalka tallaalka AstraZeneca

Al Shabaab ayaa Dadka  shacabka ah uga digtay inay isticmaalaan tallaalka AstraZeneca ee dhawaan la keenay Soomaaliya.

Waxa ay shaki ka muujiyeen waxtarka iyo badqabka tallaalka iyagoo soo hadal qaaday in tallaalka ay joojiyeen qaar kamid ah dalalka Yurub, sida ay ku baahiyeen bogag taabacsan kooxda.

Al Shabaab ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya aysan laheyn qalab ama sheybaar tayeysan oo lagu hubin karo waxtarka iyo ammaanka tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19.

Waxay shacabka ugu baaqeen in Alle bari ay sameeyaan si loo helo tallaal ammaan ah oo waxtar leh.

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com