Alshabaab oo soo bandhigay Sawiro iyo Muuqaalo ay kaga hadlayaan weerarkii Saldhiga Mand Bay

Al-Shabaab ayaa baahiyay muuqaalo iyo sawirro la sheegay in laga soo qaaday weerarkii shabaab  ay ka fuliyeen sanadkii hore saldhigga Manda Bay ee dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa sanadkii hore weeraray saldhiga manda Bay  ay ciidamada Mareykanka ku lahaayeen gudaha dalka Kenya, halkaasi oo ay ku dileen askari iyo laba qandaraasle oo Mareykan ah 6 diyaaradoodna ay ku gubeen.

Al-Shabaab ayaa baahiyey muuqaallada raggii weeraray saldhigaasi Muuqaalka ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa   uu hogaamiyaha Al-Shabaab Abuu Cubeyda ku dhiirigalinayo kuwa fuliyay weerarka.

Sidoo kale Waxaa muuqaalka ka soo muuqday kooxdii weerarka geysatay oo iyana u diyaar garoobayay weerarkaasi

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com