Alshabaab oo ka hadlay Weerarkii ka dhacay Bariire iyo Awdheegle

Al-Shabaab ayaa sheegtay in saakay waaberigii ay weerar ku qaadeen labo saldhig oo ciidamada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku leeyihiin Degaanka  Bariirre iyo Degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War kaan ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu daabacay baraha internetka ay ku lee yihiin , waxaana ay sheegeen  in ay cagta mariyeen labo saldhig oo ciidamada Dawlada Soomaaliya ay ku leeyihiin Bariirre iyo Awdheegle.

Waxaa kale oo ay sheegeen in ay ku dileen askar ka tirsan milatariga Soomaaliya tiradooda sidoo kalenaay ka   furteen hub fara badan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in saakay markii Salaadda Subax laga baxay ay maqleen dhaqawa qaraxyo culus, kaddibna ay xigtay rasaas muddo socotay.

Alshabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan bartamaha iyo Koofurta Soomaliya .

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com