Agasimaha Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa xalay ka badbaaday isku day dil oo lagu khaarijin lahaa.
Qarax xalay fiidkii ka dhacay isgoyska KM4 ee degmada Hodon magaalada Muqdisho ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo gla socotay Maxamed Aadan Koofi oo ah Agaasimaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda.
War kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegateen mas’uuliyadda qaraxii xalay ka dhacay KM4, warar Waxaana shabaab ay sheegeen in Koonfi uu si dirqi ah uga badbaaday qaraxii lala eegtay Gaarigiisa.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com