Alshabaab oo shaacisay in ay la waregeen Degaan Muhiim oo Galmudug ka Tirsan

Al-shabaab ayaa sheegtay in ay xalay la wareegeen degaanka lagu magacaabo Ceeldheer oo kaabiga ku haya magaalada Dhuusamareeb ee Xaruunta dowlad goboleedka Galmudug.
Al-shabaab waxay sheegeen in ay si buuxda gacanta ugu dhigeen degaanka Ceeldheer oo ku dhow degmada Dhuusamareeb islamarkaana ku yaalla laamiga isku xira Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxay tilmaameen in Ciidan ka tirsan Galmudug oo halkaas ku sugnaa isaga baxeen degaanka ka hor inta aysan Al-shabaab qabsan marinkaas isku xira magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Galmudug weli kama hadlin sheegashada Al-shabaab sidoo kale ma jirto cid madax-bannaan oo xaqiijisay warkaas.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com