Alshabaab oo qof shacab ah ku dilay Degaanka Yaaqbariweyne ee gobolka shabeelaha Hoose

Wararka Ka imaanaya Degaanka Yaaqbariweyne ee gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qof shacab ah lagu dilay Degaankaasi

Dad goob joogayaal ah ayaa Warbahinta Aragticusub u xaqiijiyay  in qofka la dilay uu ahaa milkiilaha Ceel ku yaala deganka Yaaqbariweyne oo lagu  magacaabi jiray Maxamed Ceel Jooge sidoo kalena ahaa Nabadoon Can ah oo si weyn looga yaqaanay degaanka Yaaqbariweyne ee gobolka shabeelaha Hoose.

Gudoomiyaha Degmada Leego Abuukar Isaaq Alcaadala ayaa ku Eedeeyay  Alshabaab in Nabdoon Maxamed Ceel Jooge oo ahaa Milkiilaha Ceel ku yaala Yaaqbariweyne in dilkiisa ay ka dambeeyeen.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa wararka ay sheegayaan in ay ku amreen shacabka degaanada  Yaaqbariweyne iyo Leego ee gobolka shabeelaha Hoose in ay isga guuraan degaanadasi

Lama yaqaano sababta Alshabaab ay ugu amreen  shacabka degan yaaqbariweyne iyo Leego ee gobolka shabeelaha Hoose in ay isaga guuraan halkaasi.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com