Alshabaab oo Odayaal dhaqameedyo ka Afduubay gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya Degano hoostaga Magaalada Dhuusamareeb ee xaruunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Alshabaab saacadihii la soo dhaafay Halkaasi ay ka Afduubteen Odayaal dhaqameedyo ku sugna degaano Hoostaga Degmada Dhuusamareeb .

Odayaasha ay Alshabaab Afduubteen ayaa Tiradooda lagu sheegay 13 Ruux oo ay ka qafaasheen shabaabku degaano iyo Tuulooyin Hoostaga Magaalada Dhuusamareeb ee Xaruunta Mamulka Galmudug waxaana ay la Aadeen sida wararku ay shegayaan Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud Halkaas oo shabaabku saldhig ay ku leeyihiin.

Ilaa hadda lama oga sababta ka dambeysa Afduubka ay Alshabaab u geysteen Odayaashasi balse Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in shabaab ay ka caroodeen Rag Hoobiyal ku Tuuray Magaalada Dhuusamareeb oo Ciidanka Dawlada markii ay dileen meydkooda ay soo bandhigeen.

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com