Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla Degmada Bu’aalle ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe ku dilay 5 ruux oo Ragg ah kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay u Basaasayeen Dawlada Federaalka iyo in ay hagayen diyaaradaha duqaynta ka geysta degaanada Shabaab ay ka taliyaan
Shabaab ayaa sheegay in Raggaan 5 ah uu Hogaamiyee uahaa Maxamed Soomoow Ibraahim oo ay Gawraceen Halka Afarta kale ay toogteen
Magacyada Afarta Nin ee ay Alshabaab Toogteen ayaa kala ah Maxamed Cusmaan Maxamuud oo ahaa wiil yar oo 16-sano jir ah, Ismaaciil Saciid Kariib, Maxamed Axmed Aadam iyo Cabdulqaadir Xasan Cali.
Al-Shabaab ayaa sheeay in raggaan ay ahaayeen Dad isku xiran oo la shaqeeynayay sirdoonka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwo kale
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com