Wararka Imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay Madaafiic ku weerareen gaaroonka Diyaaradaha Dhuusamareeb.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhowr Madfac oo Nuuca Hoobiyaha ahs Al Shabaab ku garaaceen garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb, waxaana inta la xaqiijiyay weeraradaasi ay ku dhaawacmeen laba qof oo Shacab ah.
Ciidamada Amisom ee ka kala socda Dalalka Jabuuti iyo Itoobiya eek u sugan Garoonkaasi ayaa dhinacooda ka jawaaba Madaafiicda lagu tuuray garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb
Hawlgalo ay Iska kaashanayan Ciidamada Dawlada Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidanka Amisom ayaa ka socda nawaaxyiga garoonka diyaaradaha ee Magaalada Dhuusamareeb
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com