Alshabaab oo lagala wareegay degaano ka Tirsan Gobolka Hiiraan

Hiiraan: Howlgal ka dhan ah  Al-Shabaab ayaa  waxaa laga sameeyay deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan gaar ahaan deegaanada dhaca galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Howlagalka oo ay sameeyeeen ciidamada  xoreynta deegaanka ayaa waxa ay kula wareegeen degaanka buq-matoor oo 60 km dhanka galbeedka kaga beegan magaalada Beledweyne ee gobolka hiiraan kadib markii weerar qorsheeysan oo ay ku qaadeen degaankaas oo ay fariisin ku lahaayeen Al-Shabaab.

Deegaanka Buq-matoor ee galbeedka Beledweyne ayaa kamid ah degaanada ay Al-Shabaab ka joogeen gobolka hiiraan ee maamulka Hir-Shabeelle, waxaana ciidamadu ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo ay wadaan ciidamadu kuwaas oo ay tilmaameen inay ku sugayaan amniga degaanka, waxa ay sidoo kale tilmaameen in howlgaladu sii socon doonaan inta Al-Shabaab ay ka saarayaan qeybaha ay kaga harsanyihiin gobalka Hiiraan.