Alshabaab oo lagala Wareegay degaano ka Tirsan gobolka Galgaduud

Ciidamada Dawladda Federaalka  iyo kuwa degaanka ayaa la wareegay degaanno hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Saraakiil  ka Tirsan Ciidanka Dawlada Federaalka  ee ku  sugan degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Alshabaab  ay kala wareegeen dhowr degaan oo kala  ah’  Baraag sheekh Caamir , Tixle, Cali heelle, iyo Ceel Cali Axmed oo dhammaantood  hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Degaannada ay Hawlgallada kula wareegeen Ciidamadda Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa degaanka ayaa  ayaa waxaa hore ugu sugnaa Alshabaab balse Ciidamadda degaanka oo kaashanaya ciidanka dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa la wareega.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com