Alshabaab oo la wareegtay degaan ka Tirsan Gobolka Jubada Hoose

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka Yaaq-Raar oo u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Al-Shabaab oo ka hadashay howl-galka ay kula wareegtay deegaankaasi ayaa shaacisay in ay si buuxda kula wareegeen deegaankaasi oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa ku dhowaaqday in is-bedal maamul uu ka dhacay halkaasi, ka dib markii ay ay si nabadoon kula wareegeen deegaanka Yaaq-Raar

Ciidamada Maamulka Jubbaland ee ku sugnaa deegaankaas ayaa isaga soo baxay, waxaana kadib la wareegtay Al-Shabaab, sida lagu sheegay war ay baahiyeen Alshabaab

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com