Alshabaab oo ka hadashay Ninki ay soo bandhigeen Hay,adda NISA.

Muqdisho,Alshabaab ayaa ka hadashay xiriirka kala dhaxeeyay shaqi shalay Hay,adda Nabad sugida soo bandhigeen.

Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab oo la hadlay warbaahintooda ayaa sheegay in aysan jirin wax xiriir ah oo ay la lahaayeen shaqsigaas isla markaana ku tilmaameen mid been abuur ah.

Sarkaalka ayaa xusay in arintaasi tahay ugaarsi shaqsiyaadka dowlada dhexdeeda isku hayaan sida uu hadalka u dhigay.

Maxamed gaarane oo ka mid ahaa fanaaniinta Gobolka banaadir ayay Hay,adda nabad sugida Qaranka shalay soo bandhigtay iyada oo ku eedeysay in muda dheer ka tirsanaa Alshabaab.

Ilaa hada lama oga xaqiiqda la xiriirta ma mid ahaanshiyaha Maxamed gaarane ee Alshabaab.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com