Alshabaab oo go’doomiyay Degaano ka Tirsan shabeelaha Dhexe

Wararka ka imaanaya Gobolka shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Alshabaab ay go’doon geliyaan degaanada lagu magacaabo Afarta Tuulo ee hoostaga degmada Mahdaay ee gobolka shabeelaha Dhexe.

Alshabaab ayaa diiday  in gaadiidka Xamuulka ah ee sida Raashiinka iyo Alaabada Ganacsiga ay tagaan Tuulooyinkasi.

Tuulooyinka Alshabaab ay go’doonka geliyeen una diideen Gaadiidka Xamuulka ee ganacsatada Alaabada u sida ayaa kala ah Caadleey, Ceel Baraf ,Miirtuuge iyo Biyo Cadde oo dhammaantood hoostaga degmada Mahdaay ee gobolka shabeelaha Dhexe

Shacabka ku nool Degaanada Alshabaab ay xanibaada ku soo rogeen ayaa shaaca ka qaaday in arinta dhibaato ay ku tahay Haweenka Caruurta iyo Dadka Da’da ah kuwaas oo ah Birimo geed aan wax siyaasad ah iyo arimo kale shaqo ku lahayn una baahan in la garab qabto.

Maha markii ugu horeeysay Alshabaab ay go’doomiyaan degaano ka Tirsan gobolka shabeelaha Dhexe taasi oo saameeyn ku yeelata Dadka shacabka ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com