Alshabaab ayaa go’doomisay Magaalada Baydhabo oo Xarunta Kumeel gaar u ah Maamulkaa Koofur Galbeed ayaa Siyaasiyiinta iyo Alshabaab ayaa la sheegay in ay Magaaladaasi u diideen baabuurta sida Raashiinka iyo Alaabaha gansacsiga in ay tagaan Taas oo ay ka dhalatay Xaalad Adag.
Isaaq Xuseen Mursal oo ka mid ah Siyaasiyiinta Koofur Galbeed ee ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa xaqiijiyay in Alshabaab ay go’deen Magaalada Baydhabo waxana uu ka codsaday Dawlada Federaalka in ay Maamulka Koofur Galbeed ka gacansiiso sidii ay isaga qaadi lahayd Culeys Alshabaab ay ku heyso iyo sidii leysaga qaadi lahaa go’doonka ay geliyeen Magaalada Baydhbo
Xayirada ay Al-Shabaab ay geliyeen Magaalada Baydhaba ayaa waxaa la sheegay in ay keentay Qiimo koror dhinaca Raashiinka ah , waxaana la soo sheegaya inuu kor u kacay qiimaha lagu kala iibsado maciishadda..
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info @aragticusub.com