Alshabaab oo dib ula wareegay Tooro-toorow

Wararka goordhaw naga soo gaaraya deegaanka Tooro-Tooxow ayaa sheegaya in dagaalyahanada Alshabaab dib ula wareegeen deegaankaas.

Wararka ayaa sheegaya in xalay saqdii Dhexe Isaga baxeen ciidamada dowlada.

Ciidamada dowlada ayaa Shalay muda laba sano kadib la wareegay gacan ku heynta deegaankaas lamana yaqaan sababaha dhab Ahaan uga baxeen.

Balse markii ay shalay la wareegeen Tooro-torow waxaa ay halkaas ka sameeyeen baaritaano ay ku soo qabqabteen dad ka badan 10- ruux uu ka mid ahaa garsoorihii Maxkamada Alshabaab ee deegaankaas.

Xarunta Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com