Alshabaab oo Dab qabadsiiyay Tuulooyin ku yaala Sh/Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Alshabaab ay gubeen dhawr Tuulo oo hoostaga degmada Leego

Alshabaab ayaa lagu soo waramayaa in dab ay qabadsiiyeen Tuulooyinka Hoostaga degmada Leego waxaana gabi ahaanba hawada ay ka saareen isgaarsiinta Leego iyo Yaaqbariweyne  sidookalena Rag Odayal ah ay nabadoona ahna ay ku dileen Halkaasi.

Ilo wareedyo u waramay warbaahinta aragti cusub ayaa shegaya in Alshabaab marka hore ay u digeen Dadka ku nool Leego iyo Yaaqbariweyne in ay ay halkasi iasaga baxaan lamanoga sababta keentay in Dadka shacabka ah ee ku sugan Degaanada Sababta ay uga baxayaan madaama degaan ay degan yihiin Beero iyo xoolana ay ku dhaqdaan.

Dad shacab ah oo ka soo barakacay Tuulooyinka aygubeen Alshabaab ayaa gaaray Degmada Wanlaweyn iyo degaano kale oo ka Tirsan gobolka shabeelaha Hoose kuwaas oo xaalado bani’aadaninimo halkaasi ay ku heysato

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com