Alshabaab oo bur burisay qayb ka mid ah garoonka diyaaradaha ee degmada Buulo-burte

Wararka ka imaanaya degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya sheegayan in Al-Shabaab ay qaraxyo ku weerareen garoonka diyaaradaha degmadaasi Buulo burte  ee gobolka Hiiraan .

Qaraxyada oo isugu jiray Bambooyinka Gacanta laga tuuro iyo miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa la sheegay in uu saameyn weyn ku yeeshay dhisme  ka socday Garoonka diyaaradaha degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Wararka  ayaa sheegaya in qaraxyada ay bur buriyeen qeyb kamid ah Goobihii la dhisay kuwaas oo kamid ahaa xaruumaha Garoonkaasi .

Ciidamo ka Tirsan Militariga Dawlada Federaalka iyo kuwa Maamulka degmada Buulo Burte ayaa hawlgalo ka sameeyay halka qaraxyada ee naxawaaxyiga garoonka diyaaradaha ee degmada Buulo burte mana jirto ciod illaa hadda loo soo qabtay Qaraxyada ka dhacay Garoonka diyaaradaha ee degmada Buulo burte.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com