Al-Shabaab oo sheegtay inay Sarkaal ku dileen weerar ka dhacay Gobolka Bakool

 

Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay saaka weerar ku qaadeen gaqadiid uu watay Sarkal ka tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed xilli uu maayay duleedka degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Dagaal kooban ayaa duleedka degmada Xudur waxaa uu ku dhex-maray ilaada isku duwihii ciidamada DF ee ku sugan degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarkaas, waxaana Warar lagu daabacay baraha ay ku leeyihiin internet-ka lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay isku duwihii ciidamada DF ee ku sugan degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur oo lagu Magacaabi jiray Yuusuf Shig-shigoow.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Soomaaliya weli wax faah fahin ah kama bixin weerarkaas ka dhacay duleedka degmada Xudur oo kamid ah degmooyinka u g’doonsan Al-Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com