Al-Shabaab oo Lamu ku weeraray shirkad laga leeyahay Shiinaha

Xubno  la tuhunsan yahay inay Al- Shaab ka tirsanyhiin ayaa dab qabadsiisay qalab ay leedahay Shirkadda Dhismaha iyo Isgaarsiinta Shiinaha ee Lamu, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Lamu Irungu Macharia.

Arrintaan ayaa imaanaysa xilli Senator-ka magaalada Lamu Anwar Loitiptip, uu dowladda ka codsaday inay disho dhammaan burcadda iyo Xubnaha looga shakisan yahay Al-Shabaab ee loo soo xiri doono weeraradii ugu dambeeyay.

Sida uu sheegay gudoomiyaha ismaamulka Lamu Irungu Macharia, 10 qof ayaa loo soo xiray tan iyo markii ay dhaceen weeraro is daba joog ah oo lagu dilay 15 qof oo ay ku jiraan afar sarkaal oo ka tirsan ciidamada GSU.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com