Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkii lagu qaaday guri ku yaalla Muqdisho

Al-Shabaab ayaa sheegtay in 70 qof ay ku dishay weerarkii shaley ka dhacay guri ku yaallay waqooyiga magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab wsheegtay  in guriga ay weerarka ku qaadeen lagu daweynayay dagaalyahanada Macawisley oo kusoo dhaawacmay dagaal.

Dowladda Soomaaliya waxay dhankeeda sheegtay in 10 qof oo aan waxbo galabsan lagu dilay weerarka halka saddex qof lagu dhaawacay.

Dowladda waxay sidoo kale sheegtay in afar askari ay ku dhaawacmeen weerarka.

Qarax xooggan ayaa laga maqlay qarax weyn oo ay xigtay rasaas xoog leh oo ka dhacaysay guri ku yaala waqooyiga magaalada.

 Goobjoogayaal  ayaa sheegay in rag hubeysan ay weerarreen guri lagu daweynayay dhaawacyada ciidamada deegaanka ee dhawaanahan Al-Shabaab kula dagaalamayay gobolka Hiiraan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com