Al-Shabaab oo Goob fagaaro ah ku toogtay 6 Ruux

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaal degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa ay ku toogteen lix ruux oo ay sheegeen inay ahaayeen basaasiin la Shaqeeynayay Hay’daha Sirdoonka Caalamiga ah.

Lix Ruux oo kala ahaa 5 rag ah iyo Hal dumar ah ayaa waxaa Al-Shabaab ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, isla markaana laga soo qabtay degaanka Kuunya-Barow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu dhowr jeer  duqeymo uu Mareykanka ka fuliyay .

Dadka Al-Shabaab ay  Goobta fagaaraha ah ku toogteen oo Dhalinyaro u badnaa ayaa waxaa  Magacyadooda lagu kala sheegay.

1- Cumar Cabdulqaadir Hiiraale

2- Cabdi Xasan Axmed.

3- Ibraahim Cumar Cali

4- Sadaam Cusmaan Maxamed

5-Aweys Xasan Xaaji

6- Fartuun Cumar Abkow.

Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale dhowr jeer waxaa faraagayaal ku yaal degaannada ay maamulaan ku toogtaan dad kala duwan, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen Sirdoonka Soomaaliya, kuwa Caalamiga ah iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com