Al-shabaab oo goob fagaare ah ku toogtay Nin ay sheegeen inuu aflagaadeeyay Nabi Maxamed SCW

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa fagaaro ku yaala degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud waxay Shalay galinkii dambe ku dileen nin ay sheegeen inuu aflagaadeeyay Nabi Maxamed Naxariis iyo Nabadgalyo dushiisa ha ahaate.

Ninka xukunka dilka ah ay ku fuliyeen Al-shabaab ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Tooxoow Fiidoow oo ku noola deegaanka Xiindheere.

Maxkamada Al-shabaab waxay sheegtay in cadeymo in marqaatiyaal lagu helay in ninkaasi uu aflagaadeeyay Nabi Maxamed SCW.

Ninkan la sheegay inuu aflagaadeeyay Nabigeena ayaa da’diisa lagu sheegay 87 sano jir, waana dilkii ugu horeeyay ay Shabaab ku fuliyaan ruux ay sheegeen inuu aflagaadeeyay Nabi Maxamed SCW.