Akhriso: Warbixinta Awooda Ciidan ee Madaxweyne Farmaajo iyo Cabsida Mucaaradka

Madaxweynaha Dawlada uu waqtigeeda dhammaaday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa wada qorshe cusub oo uu doonaayo in Awooda dalka uu kula wareego

Madaxweyne Farmaajo oo ay u dhammaatay Mudadii Afarta sano ahayd ee uu dalku maamulayyay haddana uu yahay kusime madaxweyne ayaa la soo baxay waxyaabo shacabka ay maqleen balse Ficil ahaan aysan hore u arag

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu Eedeeyay in Ciidanka Gor Gore ee uu Turkiga soo Tababaray iyo Ciidanka kale kale ee Haramcad oo loogu Talagay in shacabka amnigooda ay sugan uu u adeggsanayo in Awooda Dalka uu kula wareego

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa uu dhammaaday ku Eedeeyay in in uu ka gudbay Xeen daabkii siyaasinimo una tafa xeetay in uu noqdo kaligii talisnimo Xukunka uu doonaayo in Awood uu ku qabsado

Dad badan oo dersa siyaasada Dalka ayaa u arka Madaxweyne farmaajo in uu noqdo Caqabad kale oo Soomaaliya ka cusboonaatay markii uu madaxweynayaashii hore ee Dalka shariif sheikh Axmed iyo Xasan sheikh maxamuud banana bixi nabadeed ee ay doonaayeen in ay ka sameeyan Taalada Dalka Jirka Daahson uu Awood Ciidanka u Adeegsaday Ciidankii ilaalada u ahaana ku tilmaamay Maleeshiyo Hubeysan oo dooneysay in ay weerararaan Fariisimaha Ciidanka Dawlada ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho

Dhinaca kale, Magaalada Muqdishon hadda waxaa ka socda Hub Aruurisi iyo Abaabul Ciidan

Beesha Hawiye oo ay ka soo jeedaan Madaxweynayashii Hore ee Soomaaliya xasan sheikh Maxamuud iyo shariif sheikh Axmed ayaa bilabay Abaabul Ciidan oo ay ku doonayan in ay kaga hortagaan Awooda Ciidanee uu Adeegsanayo Madaxweyne farmaajo

Kulamo saacadihii la soo dhjaafay ka dhacay Magaalada muqdisho oo ay isugu yimaadeem Siyaasiyiin Waxgarad iyo saraakiil Ciidan ayaa la gorfeeyay sidii laysaga difaaci lahaa Madaxweyne Farmaajo Awooda Ciidan ee uu u Adeegsanayo Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya

Xog ay heshaey wartbaahinta Aragti cusub ayaa sheegeysa in musharixiinta mucaaradka ah ay doonayaan in Awood ay uga hortagaan Ciidanka Farmaajo  ugu xareysan xeryo ku yaala muqdisho kuaaws oo loo adeegsanayo Cabsi gelinta shacabka iyo Saamileyda Siyaasadeed ee Dalka

Ilo wareed ayaa ku waramya in Ciidankii ugu badnaa musharixiinta Hadda la diyaarinaayo kuwaas oo qaarlkood Hub iyo lacago loo qaybiyay islamarkaana waqtiyada soo socda ku soo wajahan Muqdisho

Dadka reer muqdisho ayaanoqday  kuwo mar walba cabsi ka qaba in muqdisho ay noqoto Goob dagaal oo ay ku hardamaan Ciidanka Madaxweyne farmaajo iyo  kuwa Musharixiinta Mucaaradka .

Warbixintaan waxaa qoray wariye Salaad Xuseen Maxamuud Daacad oo ku Sugan Dalka Turkiga.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com