Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday talaabo ay xilalka uga qaaday Taliyaasha saldhigyada Degmooyinka gobolka Banaadir kuwaas oo laga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin saadaq joon ama aysan daacad u hayan dawlada Federaalka Soomaliya
Taliyeyaashii saldhigyada degmooyinka Wadajir, Deyniile Waaberi, , Shibis, Cabdicasiis iyo Howlwadaag ayaa isku shaandheyn lagu sameeyey, halka qaar looga shakiyey inay xiriirro la leeyihiin Taliyihii hore ee booliska Gobolka Banaadir Jeneral Saadaq Joon iyo musharaxiinta mucaaradka ah islamarkaana xilalkii laga qaaday.
Taliyihii saldhigga degmada Wadajir Saciid Cali Baryare ayaa la dalacsiiyey, waxaana ku xigeen looga dhigay Farxaan Qaroole, iyadoo loo magacaabay Taliye ku xigeenka qeybta booliska gobolka Banaadir, sidoo kale Cabdibaasid Maxamuud ayaa loo magacaabay taliye ku xigeenka qeybta Waliyow Cadde, halka taliye ku xigeenka Qeybta Galbeed loo magacaabay sarkaal lagu magacaabo Daa’uud Axmed.
Taliye ku xikeenkii qeybta booliska gobolka Banaadir, Taliyihii qeybta Galbeed Yuusuf Xundubey iyo taliyeyaashii saldhigyada Waaberi iyo Howlwadaag ayaa xilalkii laga qaaday.
Talaabadan ayaa ku soo aadeysa iyadoo xaalada Amni ee Magaalada Muqdisho ay noqotay mid aan cago badan aan ku taagneyn waxaana laga cabsi weyn ay ka jirto waxaana wararka ay heshay aragti cusub ay sheegeyaan in sidoo kale saraakiil kale oo aan daacad u ahayn dawlada Federaalka xilalka laga qaadi doono
Saraakiisha xilalka laga qaaday ayaa looga shakiyay in xiriir ay la leeyihiin Saadaq Joon iyo Golaha midowga Musharixiinta .
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com