Akhriso’ Qodobada Muhiimka ah ee looga dooday shirka wadatashiga oo maalintii labaad galay

Shirka oo maalintii labaad ka socday Teendhada Afisyooni una dhaxeeya dowladda federaalka Soomalaiya iyo madaxda mamaul-goboleedyada ayaa waxaa looga hadlay dhammeystirka Heshiiska 17 September iyo in xal loo helo khilaafka ka taagan doorashada.

Waxaa xarunta shirka ku suganaa oo ka qeyb galay madaxda mamaul-goboleedyada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana shir guddoominaya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka oo ay albababada u xirnaayeen ayaa waxay madaxdu ka doodeen qodobbada turxaan-bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana la sheegay in laga sameeyay horumar wanaagsan. Iyadoo ay sii socon doonto maalinta beri ah falanqeynta ajandayaasha horyaalla shirka.

Maalinta berri ah ayaa la filayaa inuu soo gabagaboobo lagana soo saaro qodobbada lagu heshiiyay.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com