Akhriso ” Qodobada la saxiixay ee Heshiiska doorashooyinka Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble Madaxda Dowlad-goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa saxiixay Qodobada heshiis ku saabsanaa doorashooyinka dalka, iyadoo maanta la soo xiray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socday Muqdisho.waxa laga laga heshiiyay waxay kala yihiin Arrimaha Somaliland, Murankii Gobolka Gedo iyo sidoo kale Guddiyada Arrimaha Doorashooyinka oo xubno ka tirsan la isku khilaafsanaa, waxaana Qodobadaas dhammaantood laga gaaray heshiis.
Sida War-murtiyeedka ku qoran, Arrinta Somaliland waxa lagu xalliyay in labada Garab ee Siyaasiyiinta Reer Waqooyi oo ay kala hoggaaminayaan Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ay qayb-sadaan magacaabidda Guddiga Doorashooyinka heer Somaliland.
Guddiyada Arrimaha Doorashooyinka ayaa sidoo kale lagu heshiyay in isbeddel lagu sameeyo, islamarkaana laga saaro dhammaan xubnaha khilaafku ka taagnaa, iyadoo hawshaas lagu qaban doono mudda saddex cisho ah.
Arrinta Gobolka Gedo, waxa iyana loo magacaabay Guddi dib u heshiisiin oo ka kooban Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka oo aysan ku jirin Jubaland.
Sidoo kale, waxa la go’aamiyay in hawlaha Doorashooyinka lagu dhammaystiro mudda 60 Cisho gudahood ah, islamarkaana la magacaabo guddi ka kooban 9 xubnood oo ka shaqeeya Amniga Doorashooyinka.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com