Akhriso: Muxuu Madaxweyne Qoor Qoor ka yiri ‘ dagaaladii ka dhacay Degmada Guriceel ka dhacay?

Madaxweynaha Dowlad goboleed Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ayaa ka hadlay Xaaladda Galmudug.

Wuxuu ka tacsiyeeyay dhamaan dadkii ku dhintay dagaalaka ka socdo degmada Guriceel, isaga oo dadka deegaanka uga tacsiyeeyay dhibkiia ka soo gaaray dagaalka.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa xusay inuu guddi u saaray dadka la baraciyay, isaga oo ugu baaqay dadka reer Galmudug, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaah ineey gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadkaas.

Maamulada Isbitaalada iyo xarumaha caafimaadk ayuu faray in si soman ay ugu adeegaan dhaawacyada la soo gaarsiiyo ,iyagoon u eegeynin dhinaca uu ka soo gaaray , madaama ay yihiin dadkoodii oo la qalday sida uu hadalka u dhigay.

Waxuu tilmaamay in mudo 21 maamood ah ay Kooxda Ahlu Sunna xoog ku heesteen Guriceel, intaas ay Galmudug ku dayeesay in si nabad ah ay gacanta dowlada ugu soo wareejiyaan deegaanad ay qabsadeen, balse ay ka biya diideen.

Ugu dambeyn Madaxweynuhu waxuu sheegay Galmudug ay u mideysan tahay la, dagaalanka argagixisada, hirgelinta doorshada iyo ka shaqeynta nabadgeliyada.

 

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com