Akhriso” Khudbada uu Ra’iisal Wasaare Rooble ka jeediyay gunaanadka Heshiiska laga gaaray doorashooyinka Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Khudbad ka jeediyey Munaasabada xiritaanka shirka golaha wadatashiga qaran ee dhamaystirka heshiiskii 17-kii sebteembar ayaa u mahadceliyey dhammaan dhinacyada ay khusaysay arrinta doorashada oo muujiyey tanaasul, u-turid, iyo in danta dalka laga hormariyo tan gaarka ah, waxaana uu si gaar ah ugu mahadceliyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, Madaxda dowlad goboleedyada, siyaasiyiinta, Beesha Caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyed.
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa sheegay in laga heshiiyey dhammaan qodobadii lagu kala aragtida duwanaa, waxaana uu ballan qaaday in xukuumaddiisu ay dadaal walba ku bixinayso siddii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan oo nabdoon, isaggoo ku baaqay in dhammaan dhinacyada daneeyeyaasha doorashada iyo bulshada Soomaaliyeed ay qaybtooda ka qaataan siddii loo hirgelin lahaa doorashada.
Sidoo kale Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa ka hadlay Ilaalinta qoondada Haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin goleyaasha dowladda waxa uu tilmaamay Ra’iisul Wasaare Rooble in xukuumaddiisu ay xil iska saarayso.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com