Ahmed Madoobe oo si diiran loogu soo dhaweeyay Boosaaso.

Madaxweynaha Jubaland Ahmed Madoobe ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweyay Magaalada Boosaaso.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa soo dhaweyay Madaxweynaha Puntlnad iyo xubno ka tirsan Maamulkiisa.

Booqashada Madaxweyne Ahmed Madoobe ayaa qaadan doonta dhowr cisho isla markaana wada hadal yeelan doonaan dhigiisa Puntland.

Safarkan ayaa noqonaya midkii ugu horeyay ee uu ku tago deegaanada Puntland kadib doorashadii muranka badan dhalisay ee ka dhacday Kismaayo.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.