Mahad Maxamed salaad oo muddo laba isbuuc ah ku sugan dalka Masar ayaa xiriiro la sameeyay Siyaasiyiinta ku fikirka ah ee u dhisayay madaxtinimada Galmudug.
Mahad aya u sheegay xubnahan in isaga iyo Madaxweyne Xasan Sh ay siyaasad ahaan kala guureen, isla markaasina uu dhawaan shaacin doono inuu iskaga baxay xisbiga UPD/ Damujadiid.
Agaasimihi hore NISA aya khilaafka isaga iyo Madaxweyne Xasan ku saleeyay in looga baxay ballamo, wuxuna sheegay in Madaxweynaha uu cadeeyay in Galmudug aysan doorasho dadban ka dhici doonin, isla markaasina ka dhici doonto doorasho Dadweyne Musharaxa Villada Galmudug uu yahay Qoorqoor, midka Koonfur Galbeed uu yahay Laftagareen, midka Hirshabelle uu yahay Guudlawe.
Mahad aya lama filaan ku noqotay in Xasan Sh uu Galmudug u dhisayo qof aan isaga aheyn.
Isku soo wada duuboo Mahad aya xubnaha uula xiriiray u xaqiijiyay in isaga iyo Xasan ay Siyaasad ahaan kala tageen oo hadda kadib uu la dagaali doono.