Agaasimaha wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo la sheegay in uu Xabsiga kula dhacay COVID-19

Ehellada Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Cabdullaahi Xaashi Cali oo dowladda Soomaaliya u xirtay fal lagu eedeeyey oo ah musuq maasuq ayaa waxaa ay sheegeen  in Xabsiga uu kula dhacay Cudurka Covid 19, xaaladiisa haatan ay halis ku jirto.

Mahad Cumar Xaaji oo kamid ah Ehellada Agaasime Cabdullaahi Xaashi ayaa sheegay in dadaal dheer oo ay galeen loo ogolaaday in Cudurka laga baaro lagana helay,isla markaana uu ka keenay dad qabay oo Xabsiga lagula xiray.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay isku dayeen in  damiin lagu siidaayo laakin la weeydiiyey lacag ka badan 100, 000 oo Dollar,hayeeshee aysan awoodin,waxaana uu ku baaqay in xorriyadiisa dib loou soo celiyo.

Xafiiska Wararka,Muqdisho 

Info@aragticusub.com