Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo ka badbaaday Qarax ka dhacay Muqdisho

Agaasimaha Hay’adda socdaalka & jinsiyadaha dowladda Federalka Somaliya Maxamed Aadan jimcaale Koofi ayaa ka badbaaday Qarax caawa ka dhacay Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid gaarigiisa loogu dhajiyay ayaa wuxuu ka dhacay wadada ka baxda Isgoyska KM4 ee aada dhanka Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde.

Inta la xaqiijiyay waxaa Qaraxaasi ku dhintay laba ruux oo mid ka mid uu yahay Askari illaalo u ahaa Koofi, halka ruuxa kalena uu ahaa qof shacab wadada maraayay.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha Somaliya ayaa nabad qaba oo wax dhib ah uusan ka soo gaarin Qaraxaasi.

Lama oga sida ay ku suuragashay in Qarax gaarigiisa loogu xiro Agaasimaha Hay’adda socdaalka Somaliya