Afar ruux oo u geeriyootay xanuunka Covid19 Magaalada Oslo.

Oslo:-Dadka qaadaya Xanuunka safmarka ah ee Covid19 ayaa sare u kacaya gudaha wadanka Norway.

24-kii saac ee ugu dambeysay ayaa la xaqiijiyay in xanuunka qaadeen dad ka badan 1500 oo ruux taasi oo ka dhigan in xanuunka uu dib sare ugu kacay wadanka.

Magaalada Oslo waxaa la xaqiijiyay in xanuunka u geeriyoodeen afar ruux oo xanuunka qaaday isbuuc ka hor.

Dadkan oo ku jiray da,da 90-ka ayaa ka mid ahaa dadka lagu xanaaneeyo Langerudhjemmet ee Oslo.

Warbixinta ayaa intaas ku dareysa in sidoo kale jiraan qaar ka mid ah shaqaalaha iyo kuwa goobtaas lagu xanaaneeyo qaadeen xanuunka.

Wasaarada Caafimaadka Norway ayaa la filayaa in galabta 18-00 qabtaan  shir jaraa,id oo ay kaga hadlayaan sare u kaca xanuunka iyo qaabka ugu haboon ee lagu xakameyn karo.

Wixii Warar ah kala soco www.aragticusub.com

Info@aragticusub.com