Adeegyada Internetka Shirkadaha Hormuud, Somtel iyo Somnet oo go’an

Waxaa maqan adeeggayada internet-ka ay bixiyaan Shirkadaha Isgaarsiinta Hormuud, Somtel iyo Somnet, waxaana qad la’aan (Internet la’an ah) ah macaamiisha ku xiran adeegga shirkadahaaan.

Macaamiisha qaar ayaa  sheegay in loo sheegay in ay jirto cillaad guud oo aan loo sii faah-faahin sababata keentay.

Shirkadaha Hormuud, Somtel iyo Somnet waxa ay bixiyaan adeeg internet oo isugu jira Internet-ka la geliyo Xarumaha Ganacsiga iyo Guryaha ee loo yaqaan (ADSL) iyo tan telefoonada gacanta ee isna loo yaqaan (Mobile Data).

Arrintaan waxa ay saameyn taban ku yeelatay dadka ku nool Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo badi uu gaaro adeegga internet-ka Shirkadahaan.

Maqnaashiyaha interntetka waxa ay muujineysaa in aan xal loo heyn dhibaatooyinka lasoo darsa dadka isticmaala ama ay ku xiran tahay shaqadooda.

Bishii June sanadkii 2017-kii, waxaa mar qura go’ay internetka dalka, waxaana sababta lagu sheegay in uu gacanka Keybalka internetka uu ku dhacay Markab, waxaana uu maqnaa muddo saddex todobaad ah.

Waxaa laga dhaxlay dhibaato dhaqaale muddada uu maqnaa qadka sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka ganacsigooda uu ku xiran yahay icticmaalka Internetka.

Ma jirto sabab rasmi ah oo la ogyahay oo ka dambeysay in mar qura uu tago internetka saddexdaan shirkad ee kala ah Hormuud, Somtel iyo Somnet.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com