Abiye Axmed: ma dooneyno in aan Soomaalida kala qaybino

Abiye Axmed  Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa shaaciyay in Dawlada Itoobiya aysan qayb ka qaadan doonin kala qeybinta Soomaalida, Waxana uuna TPLF ku eedeeyay kala qaybiyeen Geeska Afrika.

.Warbixin lagu qoray Project Syndicate ayuu Abiy Axmed ku tilmaamay in TPLF ay dhibaato ka wadeen dalalka Geeska Afrika, islamarkaana ay doonayeen iney kala qeybiyaan, balse ay soo afjareen.

“Siyaasadda TPLF waxa ay aheyd mid ceeyriin ah oo uga fa’iideysanayeen inay ku kala qeybiyaan wadamada ay dhibaatada ka jirto, iyaga oo aan joogin, balse anaga dhankeena waxaan ka shaqeyneynaa xasiloonida siyaasadeed ee Geska Afrika ,”

Qoraalka lagu daabacay Project Syndicate ee Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya uu kaga hadlay xaalada Geeska Afrika iyo arimaha Soomaalida ayaa ku soo beegmeysa xilli marxalad cakirnan ah ay dalkeena Soomaaliya ka jirto ee dhinaca Siyaasada Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa uu dhammaadayna ee Farmaajo loo maleeyay in uu gacan saarweyn la lee yahay Xukuumadda Ra’iisal Wasare Abye Axmed balse Abiye ayaa u muuqda mid ka gaabsanaya arimaha Soomaalida dhexdeeda ah  iyo in saameyn uu ku yeesho.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com