Abiy Axmed ooShacabka Dalka Itoobiya Ugu baaqay Doorasho Guud in ay u diyaar garoobaan

Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa shacabka dalkiisa ugu baaqay doorashada guud ee dhawaan dhaceyso iney shacabku ku doortaan ciddeey doonaan, balse shacabku ay wax weliba ka horreysiiyaan sidi ay nabadda dalkooda u ilaalin lahaayeen maadaamaa ay dhammaanteen dan noogu jirto.

Abiy Axmed wuxuu sheegay doorashada oo si nabad ah u dhacdo dhinacyada siyaasadda Itoobiya ku loollamaya iney u abuureyso masrax nabadeed oo ay ku loollamaan.

Ra’isal wasaaruhu wuxuu sheegay aniga iyo xisbiga aan hogaamiyaba haddii doorashada nalooga guuleysta xilka si nabad ah ayaan u wareejineynaa si aan baal dahab ah uga galno taarikhda dalka Itoobiya.

‘Haddii ay shacabka na doortaanna waxaan ku dadaaleynaa sidi aan dalka Itoobiya aan baraara u gaarsiin laheen’ ayuu yiri.

Doorashada guud ee dalkaasi Itoobiya ayaa lagu wadaa iney dhacdo bisha May ee sanadkan iyada oo ay gobollada qaar ka bilaawdeen ololaha doorashada.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com