Muqdisho,Abdirahman Guulwade oo ka mid ah gudiga wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in sax aheyd duqeyntii loo geystay deegaano ka tirsan Gobolada Waqooyi.
Isaga oo warbaahinta la hadlayay ayuu xusay in duqeyntaas aheyd mi lagu bad baadiyay qaranimada iyo midnimadda ummada Soomaaliyeed.
”sax ayay aheyd duqeynta dowladii milatariga u geysatay hargeysa”ayuu yiri Abdirahman Guulwade.
Hadalkaan ayaa noqan kara mid aad uga sii careysiiya Maamulka iyo dadka Somaliland maadaama Abdirahman Guulwade iminka ka mid yahay gudiga dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo Somaliland.
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com