Abaaro laga soo sheegayo degaano ka Tirsan gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Qoysas ku nool degaanno hoostaga  degmada Mataban ee gobalka Hiiraan ay ka cabanayan Xaaluf ku yimid degaanka iyadoo deegaanada qaarna laga soo sheegayo in biyo la,aan daran ay ka jirto.

Degaanada dhibaatada laga soo sheegayo ayaa waxaa dhowaan ku habsaday Ayaxii qaybo ka mid ah ka mid ah gobalka Hiiraan ayaa waxaa uu baabi’iyay daaqii xoolaha, xili degaanada qaaroodna uu roobka sanadka ku yaraa.

Qoysaska Xoolo dhaqatada ah aya Waxa Saameyn Xooggan ku  yeeshay Abaarta ka dhaalatay xalufka degaanka iyadoo taasi ay sii dheer tahay biyo la,aan xilli baraakadihii biyo la,aan ay noqdeen ceelashiina ay gureen

Xoolo u badan Ari ayaa u dhimnaya biyo la,aan iyo daaq la,aan

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com