Abaar ka jirta deegaano ka tirsan Galmudug

Deegaanno badan oo ka tirsan Galmudug ayaa muddooyinkii  la soo dhaafay waxaa laga soo sheegayay abaar saamaysay dan iyo duunyaba.

Deegaannadaas ay abaartu ku dhufatay ayaa waxaa laga dareemaa biyo la’aan iyo daaqa xoolaha oo gabaabsi gala, arrintaas oo ka dhalatay roobabkii oo aanan di’in xilligii la filayay.

Deegaanka Dudumaale ee gobolka Mudug ayaa laga soo sheegayo biyo yari baahsan, guddoomiye ku xigeenka degmada Nuur Cabdi Carab ayaa sheegay in la’aan biyo ay ka jirto deegaanka isla markaana deegaanka ay horaan ka ka taagneyd dhibaatadan maadama dadka deegaanka ay ku tiirsan yihiin hal ceel.

Maamulka Galmudug ayaa codsaday in gurmad lala soo gaaro Dadka ay Abarta ku saameysay degaanada mamulka Galmudug

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com