Aas Qaran oo Magaalada Muqdisho loogu Sameeyay Meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed+Sawiro

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda janaasada ku tukaday, Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo Aas-Qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho.

Diyaaraddii sidday Maydka Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa markii ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa naxashka marxuumka oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan.

Aaskan Qaran ee loo sameeyay Marxuum Cali Mahdi Maxamed waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed, Madaxweyneyaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Mudaneyaal ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Culimada Soomaaliyeed, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com